DEG DEG: Alexis Sanchez oo dhaawac uga baxay tababarka xulka Chile

(London) 08 Nov 2016 Kooxda Arsenal ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii la shaaciyay inuu dhaawac soo gaaray laacibkooda Alexis Sanchez.

Wararka ka imaanaya dalka Chile ayaa sheegaya in laacibku uu dhaawac ka soo gaaray kubka isla markaana uu ka tagay xerada tababarka ee xulkiisa.

Haatan shaki wayn ayaa ku jira inuu ciyaari karo kulanka xulkiisu uu la ciyaari doono xulka qaranka Colombia isreeb reebka koobka aduunka ee 2018.

Alexis Sanchez

CNN-ka Chile ayaa baahiyay in Alexis Sanchez loo diray baaritaan caafimaad si loo hubiyo inta uu la egyahay dhaawiciisa, waxaana xusid mudan in Arsenal ay ka walwalsantahay dhaawaca soo gaaray xiddigeeda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close