Chelsea oo ku raad joogta Geoffrey Kondogbia

(London) 08 Nov 2016 Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa ku raad joogta laacibka qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Geoffrey Kondogbia.

Chelsea ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato xaalada liidata ee laacibka reer France ku haysata kooxda Inter sida ay baahisay Mirror.

Tababarihii lagacayriyay Inter ee Frank de Boer ayaa shaxdiisa ka saaray 23 jirka reer France kadib markii uu ku fashilmay inuu fuliyo falsafada tababaraha reer Holland.

Laakiin Blues ayaa ku qasbanaan doonta inay dhagaysato ra’yiga tababare Stefano Pioli uu ka qabo Geoffrey Kondogbia ka hor inta aysan dalab ka gudbin suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Laaib kaan ayaa 30 milyan oo euro uga soo dhaqaaqay kooxda Monaco suuqii xaggaaga ee 2015, markaas oo ay ka dul qaadeen dhigooda AC.Milan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close