Blaise Matuidi oo ka hadlay heshiiskii fashilmay ee uu ugu biiri karay Juventus

(Paris) 08 Nov 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa ka hadlay heshiiskii fashilmay ee uu ugu biiri rabay kooxda Juventus.

Blaise Matuidi ayaa sheegay inuu go’aansaday ka tagista kooxda reer France kadib markii ay dhagihiisa ku soo dheceen warar uusan la dhicin oo ku aadan booskiisa kooxda PSG.

“Waxaan u diyaar garoobay inaan u dhaqaaqo Juventus suuqii xaggaaga” ayuu yiri Blaise Matuidi maruu la hadlay wargayska L’Equipe.

“Fasax ayaan ku jiray, waxaanan maqlay warar aan dhibsaday, su’aalo badan ayaan waydiiyay naftayda, jawaabta ku soo dag dagtay madaxayga ayaa noqotay “waxaa la gaaray waqtigii aad bixi lahayd”.

Photo published for Juventus, Matuidi ora chiude: "Voglio rinnovare con il Psg"

“Wadahadaladii aan la yeeshay Juventus ayaa sii kordhisay rabitaankayga, lagayaabee waqtigaas in aanan dareemayn jacaylka ay ii qabtay PSG”.

Blaise Matuidi ayaa intaa ku daray inuu aad u jecelyahay haatan kooxdiisa PSG isla markaana uu ku fikirayo inuu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close