‘WAR ISAGA TAG”, – Baloteli oo la taliyey Sakho

mariobalotellimamadousakho-cropped_1t3bmzc0fytga1wcj97dd2u4iu

(Nice) 07 Nov 2016. Weeraryahankii hore ee Liverpool Mario Baloteli ayaa ugu baaqay Mamadou Sakho in uu isaga tago Anfield marka suuqu furmo bisha Janaayo.

Sakho waxa uu hoos uga dhacay xulasha Klopp kaddib arimo badan oo dhaqankiisa la hal maala oo soo shaac baxay ololahan kahor.

Baloteli qudhiisa waxaa loo arkay dul-saar taas oo keentay in uu beeca xorta ah ku aado Nice habeenkii uu suuqa xirmayey xagaagii tegay.

“Mar mar ayaan la hadlaa. Waxaan u sheegay in ay ceeb tahay in ciyaaryahan adiga oo kale ah uusan dheelyn,” sidaas ayuu ugu waramay Telefoot.

“Waan la dheelay Mama, waa mid ka mida daafacyada ugu wanaagsan ee aan la kulmay, waxa uu u qalmaa in uu kulan walba dheelo, sidoo kale qaranka.

“Taas waa mida ugu muhiimsan, waa in uu tagaa. Waxaan weydiiyey in uu doonayo imaanshaha Nice! Bisha Janaayo, taas arin wacan ayey ahaan doontaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close