Silvio Berlusconi oo la sheegayo inuu xilka AC Milan sii haynayo!

(Milano) 07 Okt 2016 – Waxaa aad loogu badinayaa in Silvio Berlusconi uu sii ahaan doono madaxwayne-sharafeed marka si rasmi ah loo saxiixo heshiiska ay Milan kula wareegeyso dallad ay ku midaysan yihiin sharikaad Chinese ah, balse waxaa qulquli doona Adriano Galliani iyo Barbara Berlusconi.

Dalladan Chinese-ka ah oo ku midaysan Sino-Europe Sports, ayaa qarka u saaran inay la wada wareegto Rossoneri iyadoo heshiiska la filayo dhamaadka bishan Nofeembar.

Sida ay qorayso wakaaladda wararka ANSA iyo warsidaha Il Messaggero, Berlusconi ayaa ogolaaday inuu u odayeeyo kooxda, tiiyoo ay jirto inuu wada iibiyay kooxda.

Yeelkeede, la guddoomiyayaasha Galliani iyo Barbara Berlusconi ayaa iska tegaya, taasoo Sino-Europe u saamaxaysa inay dhisaan guddi maamul oo ka kooban ilaa 8-9 qof, waxaana haatan Shiinaha socdaal ugu maqan Xoghayaha Guud ee Milan qaban doona ee Marco Fassone oo halkaa kula shiraya sharikaadka iibsadey Milan iyo kuwo doonaya inay jaal la noqdaan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close