RASMI: Aadan Gabyoow oo isaga tagay kooxda Jeenyo

img_742c49-10a222-7f2aa1-3fc9ce-f01412-0d33f7

(Muqdisho) 07 Nof 2016 –Sida uu ku xaqiijiyay boggiisa Facebooka Xiddiga Aadan Axmed Sheikh (Gabyoow) ayaa isaga tagay kooxda Jeenyo kaddib afar sanno uu ku qaatay naadiga ka dhisan Warta Nabadda.

Daafaca guran ayaa waqti wanaagsan ku qaatay kooxda uu hoggaamiyo macallin Salaad, waxaana ugu dambeyn maanta uu shaaciyay in uu naadiga isagatay .

Aadan Gabyoow ayaa afartii sanno uu ku sugnaa kooxda Jeenyo waxa uu kula guuleystay laba koob oo Jenaral Da’uud ah, koob Super Cup ah iyo laba koob oo munaasabado ah.

Xiddigaan ayaa Jeenyo ugu soo biiray kooxda Heegan sanadkii 2012-ka, waxaana uu daboolay boosas badan ay Jeenyo baahi u qabtay.

Aadan Gabyoow oo horay u soo noqday kabtanka gobolka Banaadir , una soo qaaday tartankii gobolada ee ka dhacay Garowe,  ayaa waxaa dalabyo soo gaarsiiyay kooxo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Natiijada sawirka Tartanka gobolada gobolka Banaadir

Akhri qoraalka uu ku cadeynayo Aadan in uu isaga tagay Jeenyo

Tottenham Hotspur's Gareth Bale (L) scores a goal past Arsenal's Wojciech Szezesny during their English Premier League soccer match at White Hart Lane in London March 3, 2013.     REUTERS/Andrew Winning  (BRITAIN - Tags: SPORT SOCCER) NO USE WITH UNAUTHORIZED AUDIO, VIDEO, DATA, FIXTURE LISTS, CLUB/LEAGUE LOGOS OR "LIVE" SERVICES. ONLINE IN-MATCH USE LIMITED TO 45 IMAGES, NO VIDEO EMULATION. NO USE IN BETTING, GAMES OR SINGLE CLUB/LEAGUE/PLAYER PUBLICATIONS. FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close