‘Messi waa in uu Ballon d’Or-ka sanad walba ku guuleystaa’.

lionelmessi-cropped_zrn0cmlp1msq1tsvmxel3o8r1

(Barcelona) 07 Nov 2016. Gerard Pique ayaa ku amaanay Lionel Messi bandhigiisii ugu dambeeyey waxa uuna sheegay in xiddiga Barcelona ay tahay in uu ku guuleysto Ballon d’Or sanad walba tan iyo 2009.

Messi ayaa xalay guul u horseeday Barca isaga oo dhaliyey gool midba salaxay guushii ay Sevilla ka gaareen.

Vitalo ayaa gool uga hormaray Barcelona kahor inta uusan Messi ka keenin hadana uusan caawin Luis Suarez oo dhaliyey goolkii go’aanka kulanka.

Bandhigii Messi waxa soo aamany Pique oo dhaawac ku maqan kaas oo beegsaday Twitter-ka.

“Hadii Ballon d’Or-ka la siin lahaa laacibka dunida ugu wanaagsan,” ayuu ku qoray. “Leo ayaa ku guuleysan lahaa mid walba tan iyo 2009. Heer kale ayuu joogaa.”

Goolkaas bar bar dhaca ahaa ee uu Messi dhaliyey daqiiqadii 43-aad ayaa ka caawiyey in uu heer sare ka gaaro Barca –  goolkiisii 500-aad ee xirfadiisa kooxda reer Spain.

Tiradaas waxa ku jira goolasha kulamada saaxiibtinimo, 469 ayaa ka ah gool kulamo rasmi ah [Kuwa tartanka ku jiro].

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close