“Ma jirto cid kadaba dhaw Lionel Messi” – Luis Enrique

Lionel Messi

(Barcelona) 07 Nov 2016 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa amaan kala duldhacay laacibkiisa Lionel Messi kadib guushii uu ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii Sevilla.

Lionel Messi ayaa u soo barbareeyay ciyaarta kooxda Barcelona kadib gool looga hormaray, wuxuuna caawiyay goolkii guusha ee Suarez uu ka dhaliyay Sevilla.

Luis Enrique ayaa sheegay Messi inuusan jirin qof kadaba dhaw laacibka reer Argentina, wuxuuna ku amaanay sida uu ugu lug leeyahay weerar walba oo ay qaadayso Barcelona.

Image result for Enrique and Messi

“Awooda Messi ee ah inuu aqriyo ciyaarta isla markaana uu qatar badan ku abuuro weerar walba waa arin amaan mudan” ayuu yiri Luis Enrique.

“Ma jirto cid kadaba dhaw xirfada Messi, muhiimadeenu marwalba waa inaan isaga kubadda u baasnaa intii aan awoodno, sifiican ayuu u ciyaaray laakiin ma ahayn kaligiis, dhamaan ciyaartoydu waxay soo bandhigeen kulan wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close