Kooxihii ugu badnaa oo iskugu yimid hal ciyaar si ay u daawadaan laacibiin ay doonayaan oo ciyaaraya! (Waa imisa kooxood?)

(Yurub) 07 Okt 2016 – Liis dheer oo ah wakiillo ah kuwa laacibiinta soo indha indheeya ayaa iskugu yimi ciyaartii dhexmartay kooxaha FC Porto iyo Benfica, taasoo ku idlaatay 1-1.

Ciyaartaas oo ay goolasha kala dhaliyeen Lisandro Lopez iyo Jota, waxaa joogey kooxaha reer Talyaani ee Juventus, Inter, Milan iyo Carpi.

Waxaa kaloo xaadir ahaa kuwa kale ee Arsenal, Brighton, Dortmund, Chelsea, Atletico Madrid, Granada, Gaziantepspor, Liverpool, Machester City, Manchester United, Middlesbrough, Montpellier, Nice, Paris Saint-Germain, PSV Eindhoven, Real Sociedad, Moscow, Spartak Sampdoria, Southampton, Swansea, Valencia iyo West Ham United.

Kooxaha sidan u fara badan oo ay la yaab tahay inay hal ciyaar sidaa laacibiin uga raadinayeen ayaa waxay indhaha ku hayeen sida uu qorayo A Bola, laacibiinta kala ah; Victor Lindelof, Ruben Neves, Otavio, Goncalo Guedes iyo Andre Silva oo ahaa xiddigaha ciyaarta.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close