Inter Milan oo berri macallin rasmi ah yeelanaysa! (Waa midkee?)

(Milano) 07 Okt 2016 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay berri noqon doonto maalinta uu macallin Stefano Pioli uu la wareegi doono kooxda Inter oo aan macallin rasmi ah haysanin, isagoo uu kaalin doono Walter Samuel.

Macallin Frank de Boer ayaa la eryey todobaadkii tegey, waxaase kooxda Nerazzurri ku yara adkaatay inay helaan biddaalkiisa, waxaana haatan soo baxaysa in ay sheekadu iskugu soo biyo shubatay macallin Pioli iyadoo uu xitaa Icardi ku taliyay in kooxda loo dhiibo macallin Talayaani ah.

Lazio ayaa kubad dhagax la dheeleysa Inter iyagoo sheegaya inay muddo qaadan doonto in xal loo helo arrinta la xiriirta qandaraaska uu macallin Pioli kooxdaas kula jiro, balse Sky ayaa haatan sheegaya in arrintaas xal laga gaarayo berri ka hor.

Waxaa lagu wadaa inuu Pioli saxiixo qandaraas 18-bilood ah oo uu fasalkii ku qaadanayo €1.3m iyo gunnooyin dheeraad ah, waxaana wehlinayo Samuel oo ka mid ahaa kooxdii sedexleeyda qaadday 2010.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close