Iker Casillas oo kala cadeeyay inuu ku soo laabanayo xulka Spain iyo inkale

(Madrid) 07 Nov 2016 Halyeeyga xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa kala cadeeyay inuu ku soo laabanayo xulkiisa Spain iyo inkale kadib markii qiyaar loosiiyay dooqiisa.

Iker Casillas ayaa si cad oo aan gambasho lahayn u sheegay inuu aad ugu farxi doono haddii markale looga yeero xulka qaranka Spain.

Casillas ayaa kula guulaystay xulka qaranka Spain koobkii aduunka ee 2010 iyo koobabkii qaramada yurub ee 2008 iyo 2012.

“Julen Lopetegui wuxuu qabanayaa shaqo aad u fiican, hadii uu iiga yeero xulka qaranka aad ayaan ugu farxi doonaa, kama rajo dhigin inaan u ciyaaro La Roja”. ayuu u sheegay Marca.

“Doorashada De Gea ee xulka qaranka waa go’aan sax ah, maadama aan ahay muwaadin Spain ah waxaan u rajeynayaa inuu guulo la gaaro xulka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close