War farxad leh oo u soo yeeray Arsenal…(Mesut Ozil oo ku…)

(London) 06 Nof 2016. Kubbad qaabeeyaha reer Germany ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa la warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ogolaado inuu heshiis cusub u saxiixo Gunners kaddib bil wada hadalo ah.
Ozil ayaa muhiim u ah kooxda Arsene Wenger waxaana la leeyahay inuu ku sii dhawaanayo inuu qallinka ku duugo heshiis uu usbuuciiba ku qaadanayo 160,000 oo bound.
28-jirka ayaa waqti dheer loo arkayay mid ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee weerarka ugu fiican adduunka, wuxuuna ugu dambeyn bilaabay inuu dib u bixiyo ama u abaal mariyo lacagihii 42-da Milyan oo bound ay Arsenal ku qarash gareysay inay Real Madrid kala soo saxiixato 2013-kii.
Daily Mirror ayaa iminka warineysa in Gunners ay u gacan galineyso xiddigeeda heshiis cusub oo sii socon doona 5-sano oo kale, taa oo ka dhigan inuu 33-jirsan doono marka uu dhammaado qandaraaska cusub.
Gool FM.