“Waan ka xunahay inaan lumino 2-dhibic” – Petr Cech

Photo published for 'We lost our rhythm after the penalty'

(London) 06 Nov 2016 Goolhayaha kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa ka hadlay barbarihii kooxdiisu ay galabta lagashay kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham.

Arsenal ayaa gool la hormartay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin Tottenham ayaa gool ku laad ku soo barbaraysay bilowga qaybtii labaad.

Petr Cech ayaa sheegay inay aad uga miyad jabsanyihiin inay lumiyaan laba dhibic oo ay ku qaban kareen hogaanka horyaalka.

“Waxaan dareemaynaa niyad jab maadama aan helnay hal dhibic, waxaan ku hogaaminaynay 1-0 qaybtii hore waxaanan ku jirnay xaalad fiican” ayuu u sheegay Web-ka kooxdiisa.

“Fursad ayaan u haysanay in natiijada ciyaartu ay dhankeena soo marto qaybtii dambe, laakiin barbaraha waqtiga hore ah ayaa wax walba badalay, waxayna heleen kalsooni badan qaybtii dambe”.

“Waxaan dareemaynaa niyad jab ku aadan inaan lumino laba dhibic”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close