Rooney oo rikoor cusub ka sameeyay Premier League

wayne rooney

(Manchester) 06 Nov 2016 Kabtanka kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa rikoor cusub ka sameeyay horyaalka ingiriiska kulanka haatan ay kooxdiisu laciyaarayso kooxda Swansea City.

Wayne Rooney ayaa caawiyay labadii gool ee uu dhaliyay weerar yahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic qaybtii hore ee ciyaarta.

Rooney ayaana noqday laacibkii 3-aad ee 100 caawin ka sameeya Premier League kadib Ryan Giggs iyo Frank Lampard.

Kabtan Rooney ayaa u muuqda mid dib u soo celiyay isku dheeli tirnaanta kooxdiisa Manchester United kadib dhawr kulan oo aysan wax guul ah gaarin kooxdu.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close