Pique oo ku baaqay in Doorashada Mareykanka aan loo codeynin Donald Trump

cwwdqvjxaaahazr

(Barcelona), 06 Nof 2016   –Laacibka Daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Waddanka Spain, Gerard Pique ayaa taageeray Fikradda Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo khudbaddiisii ugu dambeysay uu ku sheegay in loo codeeyo Hillary Clinton.

“Buuq wax ma tarayo ee ha la codeeyo” ayuu Pique ku soo qoray boggiisa Twitter-ka, taas oo uu ka soo xigtay hadalkii Madaxweyne Obama.

Obama oo khudbad ka jeedinayay Magaallada Fayetteville ee Gobolka North Carolina ayaa waxaa khudbaddiisii buuq ku furay taageerayaasha Donald Trump, waxaana Obama uu yiri “Buuq looma baahna ee ha la codeeyo”.

“Marka hore, waxaan ku noolnahay waddan tixgeliya Afkaarta dadka kale, marka labaad, Qofkani wuxuu u muuqdaa mid soo qabtay shaqada Militeriga, taasina waxay mudan tahay xushmadeenna” ayuu yiri Obama oo intaa raaciyay.

“Marka saddexaad, waa Nin Oday ah, Duqoowduna waxay mudan yihiin inaan ixtiraamno”.

“Marka afaraad, ha Qaylinina; Codeeya”.

Doorashada Mareykanka ayaa maalinta Talaadada ah oo ku beegan 08 Nofembar loo dareeri doonaa iyadoo shacabku kala dooran doonaan labadda Musharrax ee Hillary Clinton (Xisbiga Dimuqraadiga) iyo Donald Trump (Xisbiga Jamhuuriga).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close