Gareth Bale oo maanta buuxsaday 150 gool… (Ka bogo qaabka uu u kala dhaliyey goolashaas)

cwk6rk4xaaaj2ff

(Madrid) 06 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo ku ciyaareysay gegadeeda Bernabeu ayaa 3-0 ku martay naadiga Leganes, iyadoo kulankan uu labo gool u dhaliyey Real Madrid xiddigeeda Gareth Bale.

Bale ayaa Real Madrid u dhaliyay markii 9-aad goolal labo ah hal kulan…(8-jeer La Liga iyo hal jeer Champions League).

Sidoo kale Gareth Bale ayaa dhaliyey maanta goolkiisii 150-aad ee xirfaddiisa ciyaareed, waxaana uu u kala dhaliyey goolashaas saddex kooxood iyo xulkiisa qaranka Wales.

Bale ayaa 5 gool u dhaliyey kooxdiisii hore ee Southampton, halka 55 gool uu u dhaliyey kooxdii uu ku soo baxay ee Tottenham ka hor inta uusan 65 gool u dhalin kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Real Madrid, waxaana uu 25 gool u dhaliyey xulkiisa qaranka Wales.

cwlvyouxgamqxfv

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close