EPL: Liverpool oo nus darsan goolal ah ku xaaqday kooxda Watford, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Sadio Mane… + SAWIRRO

(Liverpool) 06 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa 6-1 ku xaaqday naadiga Watford oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League, iyadoo uu labo jeer shabaqa gaaray weeraryahanka Reds ee Sadio Mane.

Liverpool oo hal dhibic hoggaanka horyaalka ku qabatay kaddib guushaan wayn oo ay ka gaaray Watford ayaa waxaa min saddex  gool kala dhalisay labadii qeybood ee ciyaarta.

Kooxda Reds waxaa goolka u bilaabay 27’daqiiqo Sadio Mane, waxaana 30’daqiiqo goolka labaad raacsaday Philippe Coutinho, halka goolka saddexaad uu qeybta hore ku soo xiray 43’daqiiqo Emre Can, sidaas ayaana lagu  kala nastay 3-0 ay ku gacan sarreysay Liverpool.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 57’daqiiqo waxaa goolka afaraad ee Liverpool u dhaliyey Roberto Firmino, iyadoo goolka shanaad ahaana goolkiisii labaad ee kulankan uu u dhaliyey Liverpool 60’daqiiqo Sadio Mane.

Kooxda Watford ayaa hal gool iska soo guday, waxaana 75’daqiiqo u dhaliyey Daryl Janmaat, laakiin goolkaasi guuldarro kama badbaadin, waxaana goolka lixaad ee Liverpool ciyaarta ku soo gabagabeeyey Georginio Wijnaldum, kulankan ayaana ku soo dhammaaday 6-1 ay ku adkaatay kooxda Reds.

Liverpool ayaa sidaasi hal dhibic oo qura ugu qabatayhoggaanka horyaalka Premier League waxaana ay leedahay 26-dhibcood, Chelsea oo fadhisa kaalinta labaad ee horyaalka ayaana leh 25-dhibcood.

SAWIRRO:

cwl4rwcxgaat8jx

cwl4uwxw8aaatt3

cwl4z3swqaaq8rj

cwljs4pweaa0tyz

cwlkwb2xuaasygo

cwlmv3lxuaavgkh

cwln2bhw8aefjvs

cwln3_gw8aqp7x8

cwln3odwgaab0cl

cwlp544w8ae86zf

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close