Xulka Talyaaniga ee wajahaya Jarmanka & Liechtenstein oo la magacaabay!

(Roma) 05 Okt 2016 – Macallinka Giampiero Ventura ayaa magacaabay xulka Talyaaniga oo wajahaya Liechtenstein iyo Germany waxaana ragga cusub iyo kuwa soo laabtay ka mid ah Matteo Politano, Danilo Cataldi, Claudio Marchisio iyo Lorenzo Insigne. Milan & Juve ayaa min 5 ku leh.

Xulka Azzurri ayaa kulan ka tirsan isreebreebka KA2018 ku booqanaya Liechtenstein Sabtiga soo aaddan Nofeembar 12, kahor inta aysan wajihin Germany oo ay kulan saaxiibtinimo San Siro kula yeelanayaan Talaado bisha Nofeembar 15.

Macallinka Ventura ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu xulka La Nazionale uu ka bedelo shaxdii Conte ee 3-5-2 isagoo u wareegaya habka weerarka ah ee 4-2-4, wuxuu taatiko ahaan keensaday garabyada Insigne iyo Nicola Sansone oo wacdaro ka dhigaya Villarreal.

Goolwalayaal: Gianluigi Buffon (Juventus), Gianluigi Donnarumma (Milan), Mattia Perin (Genoa)

Daafacyada: Luca Antonelli (Milan), Andrea Barzagli (Juventus), Leonardo Bonucci (Juventus), Matteo Darmian (Manchester United), Mattia De Sciglio (Milan), Alessio Romagnoli (Milan), Daniele Rugani (Juventus), Davide Zappacosta (Torino)

Khadka dhexe: Danilo Cataldi (Lazio), Daniele De Rossi (Roma), Claudio Marchisio (Juventus), Marco Parolo (Lazio), Marco Verratti (Paris Saint Germain)

Garbaha: Federico Bernardeschi (Fiorentina), Giacomo Bonaventura (Milan), Antonio Candreva (Inter), Lorenzo Insigne (Napoli), Matteo Politano (Sassuolo), Nicola Sansone (Villarreal)

Weerarka: Andrea Belotti (Torino), Eder Citadin Martins (Inter), Manolo Gabbiadini (Napoli), Ciro Immobile (Lazio), Leonardo Pavoletti (Genoa), Simone Zaza (West Ham United)

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close