“Waa xili hore ka hadalka Premier League” – Dejan Lovren

Image result for Lovren and Klopp

(Liverpool) 05 Nov 2016 Daafaca kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa diiday inuu u saadaaliyo kooxdiisa hanashada horyaalka ingiriiska ee xiliciyaareed kan.

Liverpool ayaa xiliciyaareed wacdaro leh ku soo bandhigaysa xiliciyaareed kan horyaalka ingiriiska, waxayna hogaanka lahaayaan kooxaha Manchester City iyo Arsenal.

Dejan Lovren ayaa sheegay in kooxo badan ay ku tartamayaan hanashada horyaalka isla markaana wuxuu diiday inuu tartanka ka saaro Manchester United oo ku jirta qaab ciyaareed liita.

“Liverpool haatan waa tartami xaqiiqi ah dhanka Premier League, wax walba waa ay hagaagsanyihiin laakiin waa xilihore inlaga hadlo ku guulaysiga horyaalka” ayuu yiri Dejan Lovren.

“Waxaa jira kooxo badan oo ku loolamaya tartanka horyaalka, ma hubo in Manchester United ay ku soo caafimaadi karto waqti fiican isla markaana ay ku soo biiri karto tartanka horyaalka”.

“Horyaalka waxaa go’aaminaya guulaha kulamada yaryar ee ma ahan kulamada Derbiga ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close