Macallin Zinedine Zidane oo soo saaray liiska kooxdiisa Real Madrid ee kulanka Leganes… (Karim Benzema oo maqan iyo Luka Modric oo soo laabtay)

mod

(Madrid) 05 Nof 2016 – Macallinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska kooxdiisa Madrid ee kulanka Leganes.

Laacibka khadka dhexe ee Luka Modric ayaa liiskan ku soo baxay waxaana uu taam buuxa u yahay kulanka Leganes, laakiin warka aan u wanaagsanayn kooxda Los Blancos iyo taageerayaasheeda ayaa ah in Karim Benzema uu kulankan dhaawac ku seegay islamarkaana uu ka maqan yahay liiskan.

Karim Benzema ayaa ugu yaraan maqnaan doona kulanka Leganes taas oo fursad wayn siin doonta Alvaro Morata oo qaab ciyaareed sare ku jiray xilli ciyaareedkan.

Luka Modric ayaa si deg deg uga soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa isagoo qallliin maray 02 bishii Oktoobar, diyaar ayuuna u yahay kulanka Axadda ee Leganes.

Halkaan hoose ka eeg 19-ka ciyaaryahan ee uu macallin Zidane u soo xushay kulanka Axadda ee Leganes:-

Goolhayeyaasha: Keylor Navas, Casilla, Yanez.

Difaacyada: Carvajal, Varane, Nacho, Marcelo, Coentrao, Danilo.

Khadka dhexe: Kroos, James, Kovacic, Modric, Asensio, Isco.

Weeraryahannada: Cristiano Ronaldo, Bale, Lucas Vazquez, Morata.

shax

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close