Kaddib Natiijooyin xumaa, Manchester United oo 8 Ciyaartooy iska iibinaysa

14783339117619

(Manchester), 05 Nof 2016   –Kaddib guuldarrooyin aan fiicnayn oo ku habsaday Manchester United iyo tababareheda Jose Mourinho ayaa Machester United waxa ay iska fasaxaysaa qaar ka tirsan ciyaartoydeeda.

United ayaa toddobadii kulan ee ugu dambeysay guuleysatay laba kulan oo qura dhammaan tartamadii ay ciyaartay, taas oo cadaadiska ku sii badisay tababaraha Bortuqiiska ah Mourinho.

Sida uu maanta qoray ‘The Telegraph’ Mourinho waxa uu doonayaa in uu 8 ciyaartooy ka diro Manchester United Bisha Janaayo ama xagaaga 2017, waxaana ciyaartoydaasi kala yihiin; Matteo Darmian, Marcos Rojo, Phil Jones, Bastian Schweinsteiger, Morgan Schneiderlin, Michael Carrick, Memphis Depay iyo Ashley Young.

Inkastoo intaas oo ciyaartooy oo mar qura la fasaxayo aysan sahlanayn haddana maamulka Manchester waxa uu isku dayi doonaa inuu soo afjaro heshiisyadooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close