Yaya Toure oo Aakhirkii Raalli gelin siiyay Manchester City (Guardiola 1 Yaya 0)

cwajjh_xaaauarv

(Manchester), 05 Nof 2016    –Xidigga Weyn ee Qaaradda Afrika Yaya Toure ayaa aakhirkii u hoggaansamay awaamirtii Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, waxaana uu raalli gelin siiyay dhammaan Madaxda Manchester City kaddib wareysigii uu Wakiilkiisu siiyay Warbaahinta, kaas oo uu ku sheegay in Guardiola uu Bahdilayo Yaya.

Toure ayaa xusay in hadalkii Wakiilkiisa Dimitri Seluk uusan ahayn mid uu la qabo isla markaana uu ahaa fikirkiisa gaarka ah oo qura.

Toure ayaa saakay Warbixin soo saaray waxaana uu yiri “Waxaan rajaynayaa inaan raalli gelin ka bixiyo naftayda iyo dadka i metala, anigoo raalli gelintaas siinaya Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha naadiga kaddib is afgaranwaagii la soo dhaafay”.

“Hadalladaasi ma metalayaan fikirkayga Naadiga, xushmad ayaana u hayaa Manchester City, mar walbana guul ayaan u rajaynayaa”.

“Waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan u ciyaarayo kooxdan isla markaana ka mid noqday  xubnihii taariikhdeeda, waxaana doonayaa inaan City ka caawiyo inay in badan guuleysato, waxaan u noolahay inaan kubadda cagta ciyaaro isla markaana madadaaliyo taageerayaasha”.

“Sidaa awgeed waxaan jeclaan lahaa inaan u mahad celiyo dhammaan taageerayaasha farriimihii ay ii soo direen inta aan ku jiray xilligan adag, wax weyn ayayna taasi u tahay aniga iyo qoyskaygaba” ayuu ku soo geba gebeeyay Yaya Toure.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close