MASHAQADA INTER MILAN: Macallin la’aanta Inter oo maad laga dhigtay! + Sawirro

(Milano) 04 Okt 2016 – Kooxda Inter Milan ayaa Talaadadii cayrisey macallin Frank de Boer tiiyoo uu kooxda laylinayay 14 kulan oo qura.

Macallinkaas ayaa xilka kala wareegey macallin Roberto Mancini oo la eryey horyaalka oo ay ka harsan yihiin 2 todobaad oo qura taasoo aad uga yaabisay daawatada ciyaaraha oo ay xitaa ku jiraa taageerayaasha Inter.

Inter Milan ayaa tan iyo xilligaa lala xiriirinayay macallimiin gacan muggeed ah sida Pioli, Hiddink, Guidolin, Leonardo, Villas-Boas iyo xitaa Diego Simeone oo xagaaga la filayo, balse ilaa haatan macallin lama hayo.

Bahda internet-ka ayaa maad ka dhigtay xaaladda foowdada ah ee ay gashay kooxda Inter oo xagaagii lacago badan farraqday, balse boos hoose ku jirta, waxayna xitaa sameeyeen guddi ka kooban Icardi, Thohir iyo Zhang Jindong (Mr. Suning) oo ku wareersan sidii ay ku heli lahaayeen ninkii u bedeli lahaa De Boer.

b26 b27 b28 b29 b30 b31 b32 b33

b b2 b3 b5 b6 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close