CAJIIB: Real Madrid iyo Bayern Munich oo ku ciyaaraya bishan Maaliyado laga sameeyay wasakhda lagu soo shubo BADAHA Caalamka….(Muxuu yahay u jeedku?)

lastic

(Europe) 04 Nof 2016. Kooxda xafidaneysa Champions League ee Real Madrid iyo kooxda Bayern Munich ayaa bishan ku ciyaari doona maaliyado laga sameeyay caagadaha ama balaastiga laga helo bad waynta.

Maaliyadan oo ay dhaqshadeysay Adidas ayaa loola gol leeyahay in sare loogu qaado wacyi galinta muhimmada ay leedahay in laga hortago wasakhda lagu shubo badaha caalamka.

Real Madrid ayaa xiran doonta maaliyadeeda wada cadaanka ah ay dhawaan dhaqshadeysay Adidas kulanka ay La Liga la yeelan doonto Sporting Gijon 26-ka bishan, halka kooxda xafidaneysa Bundesliga ay soo xiran doonto maaliyadeeda wada gaduudka ah kulanka ay la yeelan doonto Hoffenheim.

Maaliyadahan ayaa gabi ahaanba laga sameeyay caagahada iyo balaastiga laga helay badaha ama lagu soo shubay.

Marcelo iyo Xabi Alonso oo qeyb ka ah mashruucan ay iska caawinayaan Adidas iyo Parley ayaa ka hadlay farxadooda ku aadan arrinkan lagu wacyi galinayo in laga hor tago qashinka lagu soo shubo badaha.

Real Madrid's Marcelo models the kit

“Badda waa meel aad muhiimad wayn iigu leh kaddib markii aan ku soo koray Rio de Janeiro, waxaan heystaa xusuuso aan ku ciyaari jiray xeebaha markii aan yaraa.” Marcelo ayaa sidaa yiri.

“Waa cajiib inaan qeyb ka noqdo mashruucan aana ogaado in kooxda aan jeclahay ay sameynayso kala duwanaansho iyadoo caawineysa in badaha ay nadiif sii ahaadaan.”.

Xabi Alonso shows his side's version of the one-off kit

Alonso oo isna hadlay ayaa yiri: “Waa sharaf inaan safarkan la aado Adidas aana helo fursada aan garoonka ku xirto maaliyada adidas x Parley markii ugu horreysay.

“Neefta aan qaadaneyno ilbiriqsi kasta waxay ka imaaneysaa badaheena, aadbay dhabtii muhiim u tahay inaan sameyno waxa aan sameyn karno si aan u ilaalino badaha.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close