Barcelona maxay u guuleysan la’dahay Iniesta la’aantiis?

14782038252969

(Barcelona), 04 Nof  2016   –Inkastoo kooxda Barcelona labadii sanadood ee ugu dambeysay ay baadi goobaysay xidiggii beddeli lahaa booska uu kooxda uga ciyaaro Andres Iniesta ayaa haddana weli baadi goobku uu socdaa.

Saxaafadda Spain ayaa sheegtay in Barcelona ay kharash gareysay 72 Milyan oo Euro si booska Iniesta ay ugu hesho laacib u dhigma, balse cilladdaasi waxay soo if baxdaa mar kasta oo uu Iniesta dhaawacmo.

Tababaraha Barcelona, Luis Enrique ayaa isticmaalay dhammaan ciyaartoyda Khadka Dhexe ee kala ah  Denis Suarez, Rafinha, Andre Gomes and Arda Turan balse weli ma helin wax u dhigma Iniesta waloow Khadka dhexe ay ka caawiyaan Ivan Rakitic iyo Sergio Busquets.

Hadda Enrique waxaa la gudboon in uu daboolo booskii uu banneeyay Iniesta oo 32 sano jir ah kaas oo garoommada ka maqnaan doona 6-8 toddobaad kaddib markii dhaawac uu ka gaaray Jilibka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close