Aritz Aduriz oo xalay taariikh aan horay loo dhigin ka sameeyay tartanka Europe League…..(Waa kuwee kooxaha ilaa iminka soo gudbay?)

cwyfilsxcaepbyg

(Europe) 04 Nof 2016. Dhaliyaha kooxda Athletic Bilbao Aritz Aduriz ayaa taariikh cusub xalay ka sameeyay tartanka Europe League kaddib guushii waynayd ay ka gaareen kooxda Genk.

Aduriz ayaa dhaliyay 5-ta gool ay kaga adkaadeen kooxda Genk kulan ku dhammaaday 5-3, waana laacibkii ugu horreeyay ebid ee tartankan hal kulan ka dhaliya shan gool.

https://pbs.twimg.com/media/

Dhaliyaha reer Spain ayaa sidoo kale noqday laacibka ugu goolasha badan Athletic Bilbao tartamada Yurub.

35-jirka ayaa 16-gool kala simanaa Fernando Llorente ee laacibiinta goolasha ugu badan Yurub uga dhaliya naadigan balse 5-tii gool uu xalay dhaliyay ayaa ka dhigeysa inuu si raaxo leh hogaanka ugu qabto kooxdiisa.

Sidoo kale wuxuu noqday laacibka 10-aad ee ugu goolasha badan tartamada oo idil taariikhda Athletic Bilbao 131-gool.

Kulamadii la ciyaaray xalay Europe League ayay kooxaha u kala adkaadeen sidan.

https://pbs.twimg.com/media/

Waxaana ilaa iminka soo gudbay kooxaha Ajax, Shakhtar, Schalke & Zenit.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close