Wayne Rooney oo bareejeeyay Rikoorkii dhaliyihii ugu goolasha badnaa Man United Tartammada Yurub ee van Nistelrooy

cvs8w_7viaa9cse

(Istanbul), 03 Nof 2016    –Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa gool uu caawa ka dhaliyay kooxda Fenerbahce kulankii Europa League daqiiqaddii 89′ waxa uu ku bareejay Rikoorkii dhaliyihii ugu goolasha badnaa tartammada EUFA ee Man United, Ruud van Nistelrooy oo horey u dhaliyay 37 gool.

Rooney ayaa caawa fursad la siiyay waloow Manchester United looga badiyay 2-1 haddana Rooney inuu gool dhaliyo aad ayuu ugu baahan yahay maadaama uu tiigsanayo Rikoorka Gool dhaliyihii ugu goolasha badnaa taariikhda Manchester United ee Sir Boby Charlton 249 gool (758 kulan).

Ciyaaryahan Rooney ayaa jebinta Rikoorkaasi waxaa ka xigta 2 gool oo qura isagoo haatan leh 247 gool (534 kulan).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close