Sababtii loo ganaaxay Pierre-Emerick Aubameyang oo la shaaciyay

(Dortmund) 03 Nov 2016 Weerar yahanka kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xalay laga ganaaxay inuu ciyaaro kulankii ay 1-0 uga adkaadeen Sporting Lisbon.

Tababare Tuchel ayaa diiday inuu saxaafada u faah faahiyo sababtii uu uga soo tagay weerar yahanka reer Gabon oo aan qabin wax dhaawac ah.

Laakiin Wargayska Bild ayaa baahiyay in Aubameyang uu jabiyay shuruucda u dagan kooxda Borussia kadib markii uu Milan u aaday xaflada dhalashada ee dumaashidiis habeenkii isniinta, wuxuuna soo xaadiray tababarka kooxda waqti dambe oo subixii talaadada ah.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaana la kulmay ganaax ah inuu seego kulankii Sporting Lisbon maadama uu jabiyay shuruucda u dagan kooxda reer Jarmal.

27 jirka reer Gabon ayaa la arkayay isaga oo tarabuunka ka daawanaya kulankii xalay ay Borussia ugusoo gudubtay wareega 16-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close