“Ma ahan inay faraha la soo gasho dhaqan soo jireen ah.”. Arsene Wenger oo furka ku tuuray FIFA

weng

(England) 03 Nof 2016. Tababare Arsene Wenger ayaa aamisan in FIFA ay ahayd inaysan ku lug lahaan qorshaha England iyo Scotland ee ku aadan inay xirtaan kabtanno Madoow ah marka ay bishan ku kulmayaan Wembley si ay u xusaan askartii ka geeriyootay.

Labadan dal ee cadowga isku ahaan jiray ayaa ku kulmi doona isreeb reebka koobka adduunka 11 bishan November, waana waqti dhaqan soo jireen ah u ah inay sharfaan askartii uga dhimatay dagaaladaas.

FIFA ayaa soo saartay sharciyo ah inaan lagu soo bandhigi Karin garoonka, wax la xiriira Siyaasada, Diimaha iyo wax shaqsi ahaaneed intaba.

Soccer - International Friendly - England v Spain - Wembley Stadium

Arsene Wenger ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta uga hadlay arrinka ku aadan kabtanka madoow ay xiran doonaan labada xul.

“Waxaan u arkaa yare la yaab inay tahay, midaas ayaan aaminsanahay, inaad doonto inaad siyaasad ahaan aad u saxnaato mararka qaar waxay ka hor imaaneysaa dhaqanka.”. Wenger ayaa sidaa yiri.

“Arrinkan, kaa oo qeyb ka ah dhaqanka England oo aan jeclahay. Waxay tix galiyaan dhaqanka waxayna tix galiyaan dadka nafsadooda u huray dalkooda.

“Waxaan aaminsanahay in FIFA ay ahayd inaysan ku lug lahayn midaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close