Gerard Pique oo doonaya inuu ciyaaro kulanka Sevilla

(Barcelona) 03 Nov 2016 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa dalbanaya in la safo kulanka kooxdiisu ay u safri doonto axada kooxda Sevilla.

Gerard Pique ayaa dhaawac looga saaray qaybtii hore ee kulankii kooxdiisu ay 4-0 uga adkaatay Manchester City kulankii lugta hore ee ka dhacay Camp Nou.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Pique uu doonayo inuu dib ugu soo laabto kooxda kulanka Sevilla ee xada kadib markii uu dareemay inuu ka soo caafimaaday dhaawicii soo gaaray kulankii City.

pique

Barcelona ayaa xiligaan ku jirta xaalad xun oo dhanka difaaca ah kadib markii ay wada dhaawacmeen intabadan difaacyada kooxda taas oo keentay in City ay ku garaacdo 3-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close