Ciyaartoyda Real Madrid oo la ogaaday goolhayaha ay doonayaan inuu si joogto ah u ciyaaro

Image result for Kiko Casilla and Navas

(Madrid) 03 Nov 2016 Ciyaartoyda kooxda Real Madrid ayaa la ogaaday goolhayaha ay jecelyihiin inuu si joogto ah goolka ugu waardiyeeyo.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in intabadan ciyaartoyda Real Madrid ay ku qanacsanyihiin in Kiko Casilla uu noqdo goolhayaha lambarka koowaad ee kooxda.

Qaab ciyaareedka Navas ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu ka soo laabtay qaliinkii lagu sameeyay, waxaana lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa barbarihii ay xalay lagaleen kooxda Legia Warsaw.

Image result for Kiko Casilla and Navas

Ciyaartoyda ayaa rumaysan in Kiko Casilla uu inbadan ka fiicanyahay Keylor Navas waqti xaadirkaan, waxayna doonayaan in tababare Zidane uu waqti siiyo 30 jirka reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close