Cristiano Ronaldo waa KABTAN kulanka caawa

crr

(Madrid) 02 Nof 2016. Cristiano Ronaldo ayaa calaamadda Kabtannimada caawa u xiran doona Real Madrid kulanka Champions League ay la yeelan doonaan kooxda Legia Warsaw.

Maqnaanshaha kulanka caawa ee Sergio Ramos, Marcelo iyo Pepe ayaa ka dhigan in xiddiga reer Portugal uu kabtanka u xiran doono Los Blancos.

http://e00-marca.uecdn.es/assets/multimedia/imagenes/2016/11/01/

Markii ugu dambeysay uu Ronaldo Kabtanka xirto waxay ahayd kulan ay Real Madrid la yeelatay Getafe markaa oo la badelay Pepe.

Laakiin, markii ugu dambeysay uu 31-jirka kulan Champions League kabtan u xirto kooxda cad cadka waxay ahayd bishii September ee 2015 kolkaa oo ay la ciyaarayeen Malmo. Kulankaa ayaa mid gaar ah u ahaa Ronaldo maadaama uu bar-bareeyay rikoodhkii Raul ee xiddiga dhaliyay goolashii ugu badnaa taariikhda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close