Koox ka tirsan Premier League oo dooneysa inay ka faa’iideysato adeegga Ivanovic

premier-league-worst-team-of-the-week-branislav-ivanovic_1kcvj5y8j3zrh1jctk5k73iewz

(London) 01 Nof 2016 – Qorshaha tababare Antonio Conte ee saddexda difaac oo dambe ayaa keentay inuu dambeedkan garabka midig boos ka waayo garoonka Stamford Bridge, koox ka dhisan koonfurta magaalada London ayaana doonaysa inay ka faa’iidaysato adeeggiisa.

Crystal Palace ayaa qorshaynaysa inay soo qaadato difaaca kooxda Chelsea ee Branislav Ivanovic sida ay warinayso jariiradda the Mirror.

Difaacan garabka midig ee reer Serbia ayaa ku dhibtoonayey in waqti uu ku ciyaaro helo tan iyo markii uu kooxda yimid macallinka cusub ee Antonio Conte, xiddigan heshiiskiisa ayaana dhacaya xagaaga.

Iyadoo ay xadidan tahay fursadda uu difaacan ugu soo biiri karo saddexda difaaca oo uu doortay macallinka Chelsea ayaa kooxda Crystal Palace waxa ay ka mid tahay kooxo dhowr ah oo xiisaynaya saxiixa xiddigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close