Inter Milan oo maanta ceyrineysa tababaraheeda Frank de Boer

inter

(Milano) 01 Nof 2016. Maanta galinka hore ayaa lagu wadaa in xilka laga xayuubiyo tababaraha Inter Milan ee Frank de Boer sida ay sheegeyso majaldda ka soo baxda Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport.

Macallinka reer Holland ayaa qabtay xilka kooxda ka dhisan Serie A bilowgii kal ciyaareekan, laakiin wuxuu ku guul darreeystay inuu nooleeyo wax ay ka filanayeen taageerayaasha iyo maamulka San Siro.

http://images.performgroup.com/di/library/goal_it/fc/e4/

Kaliya 7-kulan ayuu adkaaday 16-kulan uu ciyaaray, maamulka sare iyo agaasimayaasha Inter Milan ayaa lagu wadaa shir ay subaxan yeelaanayaan inay uga dhawaajiyaan inay xilka ka qaadeen De Boer.

Stefano Pioli, Francesco Guidolin iyo Andrea Mandorlini ayaa ka mid ah kuwa ugu cad cad inay qabtaan xilka Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close