CL – Guruub D: Kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich oo u soo baxay wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub kaddib guulo ay gaareen… + SAWIRRO

 (Yurub) 02 Nof 2016 – Kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich ayaa xaqiijiyey inay u soo baxeen wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub ee Champions League kaddib guulo min 2-1 oo ay ka gareen FC Rostov iyo PSV Eindhoven.

Labo gool oo uu labadii qeybood ee ciyaarta u dhaliyey Antoine Griezmann ayey kooxda Atletico Madrid guul 2-1 uga gaartay FC Rostov, waxaana ay sidaas ugu soo baxday wareegga 16-ka Champions League.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa guul 2-1 ka gaartay PSV Eindhoven oo ay booqatay waxaana ay naadiga reer Jarmal ku adkaatay labo gool oo midi rigoore ahaa oo uu u dhaliyey weeraryahankooda Robert Lewandowski.

Kooxaha Atletico Madrid oo haatan 12-dhibcood leh iyo Bayern Munich oo 9-dhibcood leh ayaa u soo baxay wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub ee Champions league laakiin waxa ay u tartami doonaan kooxda ku soo baxaysa kaalinta koowaad.

Guruubka D ee Champions League sidan ayaa loo kala sarreeyaa:-

d

SAWIRRO:

at1

at2

at3

at4

at5

at6

at7

at8

at9

at10

SAWIRRO BAYERN MUNICH:

bayer1

bayer2

bayer3

bayer4

bayer5

bayer6

bayer7

bayer8

bayer9

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close