CL – Guruub B: Kooxaha Besiktas iyo Napoli oo isku garab dhacay, xilli Benfica ay guul ka gaartay Dynamo Kyiv … + SAWIRRO

(Yurub) 02 Nof 2016 – Kooxaha Besiktas iyo SSC Napoli ayaa barbaro ku kala tagay kulan ka tirsan Guruubka B ee koobka horyaallada Yurub, iyadoo isla guruubkan ay kooxda Benfica guul ka gaartay Dynamo Kyiv oo u soo martisay.

Kooxda reer Turki ayaa goolka la horreysay waxaana kulankan oo qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 goolka u bilaabay 79’daqiiqo Ricardo Quaresma, laakiin naadiga reer Talyaani ee Napoli ayaa la yimid goolka barbaraha waxaana u dhaliyey 82’daqiiqo Marek Hamsik, kaasoo kulanka ka dhigay inay labadan kooxood isla dhaafi waayaan barbaro 1-1.

Dhibaca kale kooxda Benfica ayaa gool madi ah ku martay naadiga Dynamo Kyiv oo u soo martisay, waxaana goolkaas guusha u dhaliyey Benfica dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Eduardo Salvio, inkastoo kooxda Dynamo Kyiv ay gool ku laad iska khasaariyeen qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana 68’daqiiqo rigooradaas ka lumiyey Junior Moraes.

Guruubka B ee Champions League sidan ayaa loo kala sarreeyaa:-

b

SAWIRRO:

napoli1

napoli2

napoli3

napoli4

napoli5

napoli6

napoli7

napoli8

napoli9

napoli10

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close