Xiriirka kubadda cagta Spain oo baahiyay waqtiga la ciyaari doono El-Clasico

(Barcelona) 31 Okt 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa baahiyay watiga rasmiga ah la ciyaari doono kulanka lawada sugayo ee u dhexeeya Real Madrid iyo Barcelona.
Real Madrid ayaa u safri doonta kooxda Barcelona maalin sabti ah taariikhduna ay ku beegantahay 3- December ee 2016 saacaduna tahay 6:30 pm ama waqtiga maqribka ee saacada bariga afrika.
Kooxda macalin Zidane oo haatan hogaanka u haysa horyaalka Spain ayaa ciyaari doonta kulan Derby ah ka hor kulanka ay u safrayso magaalada Barcelona, waxayna wajihi doonaan kooxda Atletico Madrid.
Farqiga dhibcaha ee u dhexeeya labada kooxood kadib 10 kulan oo horyaalka ah ayaa ah 2-dhibic oo kooxda Real Madrid ay ku hogaaminayso Laliga.
Ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaana doonaya inay qabtaan hogaanka horyaalka maadama kulanku uu ka dhacayo garoonkooda Camp Nou.
Gool FM