Macallinka Talyaaniga oo ka fikiraya inuu xulka kusoo daro Alejandro Gomez!

(Roma) 31 Okt 2016 – Macallinka xulka Talyaaniga ee Giampiero Ventura ayaa ka baaraan degaya in xulka kusoo daro laacibka ka dheela Azzurri d’Italia isagoo daawanayay kulankii Atalanta-Genoa ee Axaddii, si uu ugu kuurgalo laacibka Alejandro Gomez.

Gomez ayaa u safan kara xulka Talyaaniga ee Azzurri kaddib markii uu helay baasaboorka Talyaaniga dhamaadkii fasalkii tegey, haatanna Premium Sport ayaa sheegaya in Ventura “uu si dhow ula socdo” bandhigga weeraryahankan.

Macallinka ayaa u muuqda inuu la dhacay bandhigga 28-jirkan waayo wuxuu gool ku lahaa 3-0 ay uga badiyeen Genoa, taasoo imanaysa 2 todobaad uun kahor kulamada ay Talyaanigu la yeelan doonaan Liechtenstein iyo Germany.

Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close