Kaddib goolkii uu dhaliyay shalay, Diego Costa oo ku soo biiray LIISKAN…..(EEG)

capture

(England) 31 Oktoobar 2016. Goolkii uu Diego Costa shalay ka dhaliyay Southampton kulankii ay 2-0 uga adkaadeen horyaalka Premier League ayaa micno gaar ah u sameynaya laacibka.

Goolka ayaa ahaa kiisii 40-aad uu ka dhaliyo horyaalka Premier League muddadii gaabneyd uu joogay.

Wuxuu noqday laacibka 6-aad ee waqtiga ugu gaaban ku gaaray 40-gool ee laga dhaliyo horyaalka Ingiriiska oo wuxuu ku dhaliyay 64-kulan.

Waxaa liiskan uga horreeya weeraryahannada sida Van Nistelrooy, Fernando Torres, Alan Shearer iyo kuwa kale.

Waxaa liiskan ka maqan Sergio Aguero inkastuu ka mid yahay xiddigaha Boqoleyda ka dhaliyay horyaalka Premier Leage, laakiin uma uusan soo dhaqsan sida Costa.

Eeg liiska xiddigaha sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaaray 40-gool Premier League iyo muddada ay ku gaareen.

sport-diego-costa-table-v2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close