Inter Milan oo laba laacib midkood kusoo bedelanaysa Grzegorz Krychowiak

(Milano) 31 Okt 2016 – Inter ayaa sida lasoo werinayo waxay Geoffrey Kondogbia ama Marcelo Brozovic u bandhigaysaa Paris Saint-Germain si ay ugasoo bedelato Grzegorz Krychowiak.

Krychowiak ayaa 3 kulan uun dhamaystay dhanka PSG tan iyo markii ay lacagta badan kasoo siisteen Sevilla xagaagii, taasoo soo dedejisey in Gazzetta dello Sport uu laacibka la xiriiriyo Inter Milan.

Webka ayaa warkiisa ku daray in Nerazzurri ay heshiiska ku macayn doonto midkood laacibiinta Kondogbia ama Brozovic oo weliba la raacinayo kaash caddaan ah, waloow la sheegayo in laacibkan Polish-ka ihi uu danaynayo inuu xilli-ciyaareedkan la dhamaysto camaaliqadan Ligue 1.

Kondogbia ayaan weli 90 daqiiqo u safanin kooxda Inter Milan tan iyo dhamaadkii bishii Agoosto, waxaana la bedeley 28 daqiiqo uun kaddib kulankii Bologna ee bishii hore, halka Brozovic kooxda looga cunay arrimo dhanka anshaxa la xiriira bilowgii fasalkan waloow uu haatan soo noqday.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close