SERIE A: SAMP VS INT 1-0…Kooxda Inter Milan oo markale la garaacay + Sawirro

(Genoa) 30 Okt 2016 – Kooxda Inter ayaa guuldarradii 4-aad la kulantay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii ay guuldarro 1-0 ah kala kulantaya kooxda Sampdoria oo ay ugu martisay gegada Luigi Feraris iyadoo soo bandhigtay ciyaar uu halyeeygii hore ee isla Inter ee Alessandro Altobelli uu ku tilmaamay ”mid aan u qalmin in la daawado’.

Goolka kooxda Sampdoria waxaa daqiiqaddii daqiiqaddii 44-aad u dhaliyay Fabio Quagriarella oo gool lagasoo shaqeeyay ku fara yaraystay.

Frank de Boer ayay natiijadani biyo kulul ku dhex ridaysaa isagoo awalba aan cago badan ku taagnayn, waxayna maamulka Inter Milan qaadan la’yihiin in ay kooxdu haatan taallo kaalinta 11-aad, tiiyoo ay jirto in fasalkan la geliyay lacag fara badan.

Inter ayaa hal kulan kaddib ku beegan kooxda ay Milano ku xafiiltamaan ee AC Milan oo ay la ciyaarayso kulanka caanka ah ee Derby Della Madonnina.

b b1 b2 b4

b

b b1 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b11 b12 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b20 b22

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close