Robert Lewandowski oo xaqiijiyay inuu ku dhawyahay inuu heshiis cusub u saxiixo Bayern Munich

(Munich) 30 Okt 2016 Weerar yahanka reer Poland ee kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa si cad u sheegay inuu ku dhawyahay inuu u saxiixo heshiis cusub.
Robert Lewandowski ayaa aad loola xiriiriyay kooxo ay ugu wayntahay Real Madrid oo ku hungowday saxiixiisa suuqii xaggaaga.
Kadib kulankii Augsburg ee shalay, ayuu u sheegay saxaafada in arimo yar oo laxalinayo kaliya ay ka xigto inuu qalinka ugu duugo heshiis cusub kooxdiisa.
“Ma rumaysni in heshiis kordhintu ay qaadan doonto waqti dheer, laakiin waxaan u baahanahay sabar badan” ayuu yiri Robert Lewandowski.
“Wali ma saxiixin heshiiska, laakiin waxaan wada gaarnay xalka dhawr arimood oo uu shaki ku jiray, waxaan doonayaa inaan u cadeeyo dhamaan inay yihiin arimo iska yar”.
Gool FM