Barcelona oo halis ugu jirta inay wayso Suarez iyo Neymar kulanka El-Clasico

Image result for suarez yellow cards

(Barcelona) 30 Okt 2016 Kooxda Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato culus maadama ay wayn karto laf dhabarta weerarkooda ka kooban MSN kulanka El-Clasico.

Wargayska Sport ee aadka ugu dhaw Barcelona ayaa baahiyay in tababare Enrique laga doonayo inuu ka taxadaro xaalada Suarez iyo Neymar kuwaas oo ay suurogal tahay inay jaalayaal ku seegaan kulanka muhiimka ah ee 3-da December ay laciyaari doonaan Real Madrid.

Luis Suarez ayaa qaatay 4-jaale wuxuuna hal jaale u jiraa in laganaaxo, halka Neymar uu qaatay 3-jaale wuxuuna 2-jaale u jiraa in laganaaxo.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxaha Sevilla, Malaga iyo Real Sociedad ka hor kulanka El-Clasico ee ay laciyaari doonto kooxda Real Madrid.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Suarez ay suurogal tahay inuu jaale qaato 3-daas kulan midkood si uu u xaqiijiyo inuu ciyaari karo El-Clasico, laakiin taxadar badan ayaa looga baahanyahay Neymar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close