80% taageerayaasha Real Madrid oo doonaya in Morata uu ku soo bilowdo kulamada kooxda

(Madrid) 30 Okt 2016 Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa dalbanaya in keydka loo dhaadhiciyo Karim Benzema isla markaana badalkiisa la soo safo Alvaro Morata.

AS ayaa baahisay in Morata uu ciyaaray daqiiqado ka yar Karim Benzema laakiin weerar yahanka reer Spain ayaa ka goolal badan kan dalka Faransiiska.

Benzema ayaa ciyaaray 705 daqiiqo xiliciyaareed kan wuxuuna u dhaliyay kooxda Real Madrid 4 gool, halka Morata uu ciyaaray 669 daqiiqo wuxuuna dhaliyay 7 gool.

Dhanka kale   Marca ayaa samaysay cod uruurin ku aadan weerar yahanka ay tahay inuu ku soo bilowdo Benzema iyo Morata, taageerayaasha Real ayaana doortay weerar yahanka reer Spain.

84.36% taageerayaasha Real Madrid ayaa doortay in Alvaro Morata ay tahay inuu ku soo bilowdo kulamada kooxda, halka 15.64% ay u codeeyeen in Benzema uu ku soo bilowdo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close