Waa kuwee Madaalayaasha Premier Leauge???…(EEG LIISKA)

madaa

(England) 29 Oktoobar 2016. Marka laga soo tago in koox kastaa u baahan tahay weeraryahan si joogta ah goolal ugu dhaliya si ay guulal u gaarto misane waxaa lagama maarmaan ah inay sidoo kale kooxdu hesho madaale howl dheeri ah u qabta.

Waxaa xusid mudan howlihii hagar la’aanta ay kooxahooda u qaban jireen rugcadaayadii Man United iyo Arsenal Keane iyo Vieira.

Haddaba Mirror ayaa soo saartay madaalayaasha Premier League ilaa iminka kulamadii la soo ciyaaray isla markaana shaqadii ugu adkeyd u qabtay kooxahooda.

Kubbad bur-buriyaha Chelsea ee Kante ayaa durba maskaxdaada ku soo dhacaya marka aad maqasho madaale shaqo adag qabta balse ogoow kulamada ilaa iminka la soo ciyaaray waxaa ka sita oo kaalinta koowaad ku jira kabtanka Liverpool Jordan Henderson sida ay Opta ku sheegtay qiimeynta ay sameysay.

Xiddigahan howsha adag qabtay ayaa jaray ama daboolay masaafada ugu badan garoonka.

10. Gareth Barry

Masaafaduu jaray: 99.21km

Club: Everton

9. Hector Bellerin

Masaafaduu jaray: 99.46km

Club: Arsenal

8. Dean Marney

Masaafaduu jaray: 99.62km

Club: Burnley

7. Danny Drinkwater

Leicester City's Danny Drinkwater

Masaafaduu jaray: 99.70km

Club: Leicester

6. Fernandinho

Masaafaduu jaray: 100.48km

Club: Manchester City

5. Sam Clucas

Masaafaduu jaray: 100.67km

Club: Hull

4. Craig Dawson

Bournemouth's Max Gradel in action with West Brom's Craig Dawson

Masaafaduu jaray: 102.04km

Club: West Brom

3. Nemanja Matic

Robert Snodgrass in action with Nemanja Matic

Masaafaduu jaray: 104.06km

Club: Chelsea

2. N’Golo Kante

Masaafaduu jaray: 104.95km

Club: Chelsea

1. Jordan Henderson

 

Masaafaduu jaray: 106.49km

Club: Liverpool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close