RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankii maanta ay Arsenal afarta gool ku dhufatay Sunderland

cv8a7wlxgaejgy7

(Sunderland) 29 Okt 2016 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 4-1 uga adkaatay maanta Sunderland oo ay booqatay, waxaana ay fikta sare kaga jirtaa haatan horyaalka Premier League, iyadoo goolasha Gunners ay kala qeybsadeen kulankan oo ay min labo gool dhaliyeen Alexis Sanchez iyo Olivier Giroud.

Haddaba halkaan hoose waxaan idin kugu soo gudbinaynaa RIKOODHADII kulankan:-

>- Arsenal waa mid ka mid ah labada kooxood ee aan kulamada bannaanka looga soo adkaan xilli ciyaareedkan tan kale waa Tottenham.

>- Jermain Defoe ayaa goolkiisii ugu horreeyey ka dhaliyey kooxda Arsenal tan iyo sanadkii 2004.

>- Olivier Giroud ayaa dhaliyey 7 gool labo gool oo kalena caawiye ka ahaa todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ka hor tagay Sunderland tartammada oo dhan.

>- Alexis Sanchez ayaa Arsenal u dhaliyey 50 gool 106 kulan oo uu u ciyaaray tartammada oo dhan.

>- Sunderland ayaa wax guul ah gaarin mid kastoo ka mid ah 33-kii kulan oo ay safka hore ku soo bilaabeen Jack Rodwell.

>- Alexis Sanchez ayaa ku lug leh haatan 9 gool siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray Premier League, 6 gool waa uu dhaliyey 3 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

>- Sunderland ayaa labo dhibcood ka heshay 10-kulan ay ciyaartay Premier League kal ciyaareedkan. waa bilowgii ugu xumaa Premier League, sidoo kale waxay ku dhacday (Man City 95/96).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close