Kalidou Koulibaly oo balan qaaday in caawa uu joojin doono Higuain

Image result for Kalidou Koulibaly and Gonzalo Higuain

(Napoli) 29 Okt 2016 Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa balan qaaday in caawa uu joojin doono weerar yahanka Juventus ee Gonzalo Higuain.

Weerar yahanka reer Argentina ayaa wajahaya cadaawadii ugu darnayd ee jamaahiirta iyo ciyaartoyda Napoli kadib markii uu ku biiray suuqii xaggaaga kooxda Juventus.

Kalidou Koulibaly ayaa sheegay inuu wax walba samayn doono si uu u joojiyo caawa weerar yahankoodii hore ee Higuain kaas oo caawa ka hor imaan doona.

Higuain-Juventus-Napoli-1024x683-1024x683

“Waxaan soo bandhigi doonaa wax walba oo karaan kayga ah kulankaas, mana u ogolaan doono Higuain inuu xitaa taabto kubadda” ayuu u sheegay Idaacada Kiss Kiss Napoli.

Juventus ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Napoli oo ku jirta booska 3-aad ee kala saraynta horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close