Jose Mourinho oo diiday inuu hadlo, caawiyihiisa ayaa la hadlay saxaafadda kaddib bar-barihii ay la galeen Burnley

jose

(Manchester) 29 Oktoobar 2016. Jose Mourinho ayaa diiday inuu la hadlo saxaafadd kaddib ciyaartii ay bar-baraha goolal la’aanta dhawaan la galeen naadiga Burnley.

Garsoore Mark Clattenburg ayaa kulanka ka saaray Jose isla markaana halka sare u diray intii lagu maqnaa qeybta hore ee dheesha.

Markii ay ciyaartu dhamaatay halkii uu Jose la hadli lahaa saxaafada ayaa waxaa la hadlay caawiyihiisa Rui Faria.

Rui Faria Manchester United

“Ma garanayo wixii dhacay,” Rui Faria ayaa sidaa u sheegay BBC mar wax laga waydiyay sababta garoonka looga saaray Jose Mourinho.

“Muhiim ma ahan wixii uu yiri Jose Mourinho, waxa muhiimka ah waa waxa uu warbixintiisa ku qorayo garsooraha.

“Waxaan u maleynayaa in garsooraha uu qabtay shaqo cajiib ah, ma oranayo wax ka badan midan.

“Dadka jooga garoonka way dareemi kareen in ciyaartoyda ay bixiyeen wax kasta oo karaankooda ah. Waan dagaalannay ilaa daqiiqada ugu dambeysa, waa inaan sii shaqeynaa waxyaabahana way dhici doonaan.

“Mararka qaar waxaad abuureysaa kaliya fursado yar dhammaana waad dhalineysaa, mararka qaarna waxaad abuureysaa fursado badan waxna ma dhalineysid. Tani waa kubbada cagta.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close