HOR DHAC: West Brom Vs. Manchester City

cityyyyyyyyy

(London) 29 Okt 2016. Pep Guardiola oo aan badin lixdii kulan ee ugu dambeeysay dhammaan tartamada waxa uu u safri doonaa West Brom isaga oo doonaya in uu City dib dhabbihii guusha ugu soo celiyo.

West Brom waxa ay iyana isha ku haysaa in ay meel iska dhigaan rikoorka xun ee ay ka leeyihiin is aragyada iyaga iyo muwaadiniinta.

Maxaa City ka cusub?

– Vincent Kompany lama filayo in uu ka soo muuqdan kulankan kaddib markii uu codsaday in la bedelo qeybtii dambe ee kulankii Manchester Derby arbacadii daal awgiis.

-Iyada oo ay dhaawacyo la tacaalayaan Bacary Sagna and Pablo Zabaleta, Pep Guardiola waxa uu safi karaa 19 jirka dambeedka middig Pablo Maffeo kaddib bandhigiisii wanaagsanaa ee Derby-ga.

– Kevin de Bruyne wuu seegay kulankii arbacada walina shaki ayaa ku jira.

RAAD RAAC:

-Manchester City sagaalkii kulan ee ugu dambeeysay wey ka badisay West Brom dhammaan tartamada

-Man City 9 ka mida 10kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League lagama badin.

SAFAFKA LA FILI KARO

city

Gegida: The Hawthorns

Saacadda Geeska Africa: 5Pm

Dhex dhexaadiyaha: Lee Mason

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close