HOR DHAC: Sunderland Vs. Arsenal

sunder

(London) 29 Okt 2016. Arsenal waxa ay booqan doontaa gegida Light oo ay xaalada ololahan aad ugu xuntahay.

Hase ahaatee, Wenger waxa uu doonayaa guul si kastaba ha ku timaadaa maadama uu bar bar dhac 0-0 la galay Boro asbuucii tegay.

David Moyes wali guul lama gaarin Sunderland tan iyo kolkii loo magacaabay xilka tababbare ee Yaan yuuraha mad madaw.

Maxaa Arsenal ka cusub?

-Granit Xhaka waxa uu gudan doonaa kulankii saddexaad ee ganaaxii lagu riday  wuuna seegi doonaa kulanka Sunderland.

-Santi Cazorla waxa uu dabiibayaa jug ka soo gaartay ciribta wuuna seegay labadii kulan ee Arsenal ugu dambeeysay.

– Chuba Akpom ilaa iyo 2017 lama heli doona waxaana iyana maqan Per Mertesacker and Danny Welbeck.

– Lucas Perez lix toddobaad ayaa isna la sheegay in uu dhaawac canqawga ah la maqnaan doono oo soo gaaray kulankii Reading ee EFL Cup-ka.

– Carl Jenkinson iyo Aaron Ramsey wey soo gali karaan safka.

– Alex Oxlade-Chamberlain oo dhaliyey labadi gool ee ay Arsenal ku khaarajisay Reading League Cup-ka ayaa raadinaya bilow sabtida.

-Theo Walcott dhaawac muruqa ah ayuu la tacaalayaa waxaana kaga yabaa In uusan dheelin kulankan.

-Nacho Monreal ina shaki ayaa laga qabaa taas oo fursan diineysa Kieran Gibbs.

RAAD RAAC:

-Sunderland waxa ay sameeysay bilowgii ugu liitay ee Premier League [Laba dhibciid sagaal kulan] tan iyo markii ay Sheffield Wednesday ay heshay dhibic sagaal kulan ololihii 1999/2000.

-Defoe waxa uu wajahay Arsenal 21 kulan oo horyaalka heerka kowaad ah waxa uuna ka dhaliyey laba gool – mid gegida Highbury ayuu uga dhaliyey isaga oo matalaya West Ham bishii Janaayo 2003 halka mar kale uu Spurs uga dhaliyey kulan Arsenal looga badiyey 5-4 bishii Nofeembar 2004.

-Bisadaha mad madaw waligood uma suurtagalin in ay laba gool wax ka badan  Arsenal uga dhaliyaan Premier League, hadana, labada kulan ee ay ka dhaliyeen kama aysan badin.

-Sunderland kaliya mar ayey badisay 25kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay la dheeshay Arsenal, bishii Nofeembar 2009 ayey ka badiyeen xilli uu hogaaminayey Steve Bruce.

SAFAFKA LA FILI KARO

guuun

Gegida: Light

Saacadda Geeska Africa: 2:30 Pm.

Dhex dhexaadiyaha:Martin Atkinson

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close